Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Janaay Cabdalle
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degan deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, isla-markaana ay isu jirsadeen masaafo aad u gaaban.
Ciidamada ayaa ka hortagey in laga la wareegao saldhigga ay ku leeyihiin deegaankaasi, oo qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Daraawiishta ay u suurtagashay in ay dib isaga caabiyaan maleeshiyadii weerarka soo qaadday.
Telefishinka afka Maamulka Jubbaland ku hadla ee Jubbaland TV ayaa ku waramay in Shabaabka ay goobta uga carareen meydadka shan nin.
Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegtay in Shabaabku ay sidoo kale ka taggeen dhaawacyada xubno iyaga ka mid ahaa.
Barraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo laga arki karay meydadka afar nin, kuwaa oo sida la sheegay ka mid ahaa xubnihii ay Shabaabku ka carareen.
TV-ga Jubbaland ayaa baahiyay sawir muujinaya agab la sheegay in ay wateen Shabaabkii soo hujuumay Janaay Cabdalle.
Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegaya in ay aadeen dhinaca deegaanka Harboole, oo qiyaastii 40km u jira Magaalada Afmadow, ciidamaduna ay in doora ku daba joogeen firxadkoodii.
Shabaabka ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale u weeraray Janaay Cabdalle, oo ku taala waddada xiriirisa Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow.