Somaliland oo sheegtay in ciidamada Puntland kusoo duuleen ciidamadeeda

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo kasoo duulay maamulka Puntland ay weerar kusoo qaadeen millateriga Somaliland ee gobolka Sool.

Qoraal uu Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayuu ku sheegay in Somaliland lasoo weeraray.

"Somaliland waxay caalamka ogaysiinaysa in ciidamo ka yimid maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ay soo weerareen ciidamadayada maanta, ma jirto wax kale oo aanu samayno, oo aan ahayn in aanu is difaacno, dadkayagana aanu ilaalino" ayuu yidhi Caateeye.

Waxa uu sheegay in ay cambaaraynayaan weerarka "Aad ayaanu u cambaaraynaynaa talaabadan daan daansiga ah, waxaananu u taaganahay difaaca madaxbannaanidayada".

Ciidamada Somaliland ayaa shalay amar kaga soo guuray saldhiyadoodii ay ku lahaayeen Laascaanood iyo jiida hore ee Tukaraq, talaabadan oo ay xukuumadu ku sheegtay in lagu raadinayo wadahadal iyo in shacabka la ilaaliyo.

Dhinaca kale, dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogaga taabacsan garaadada ku sugan Laascaanood ayuu ciidanka saaka dagaal ku dhexmaray meel 20KM u jirta Laascaanood oo ciidamada millateriga dib u dejin loogu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo shalay ka jawaabay eedaha Somaliland ee ah in ay Puntland la dagaalamayso, ayaa beeniyay sheegashada xukuumada, isaga oo sheegay in shacabka deegaanku ay dagaalamayaan.