Taliska Militariga oo aan hal mid uga maarmi karin deegaanka Wargaadhi

Taliska Militariga Somaliya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ku amray in ay si degdeg ah ugu laabtaan deegaanka Wargaadhi, wax yar uun ka dib, markii ay weerar culus Khamiistii ku soo ekeeyeen maleeshiyada Al Shabaab.
Dhowr boqol oo nin oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ayaa weerar qaraxyo bilowday ku soo qaaday deegaankaasi oo hoostaga Degmada Cadale. Ciidamada ayaa bilowgiiba isaga baxay deegaanka, ka hor inta aysan weerar rogaalcelin ah dib ugu soo qaadin.
Ciidamada oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ayaa dagaal faraha looga gubtay la galay maleeshiyadii wax soo weerartay, waxayna goobjoogeyaasha sheegeen in dhinacyadii dagaalamayay ay aad isugu dhawaayeen.
Shabaabka oo xabadda meel walba looga keenay ayaa u firxaday dhinaca deegaanka Towfiiq oo 8km dhinaca waqooyi galbeed uga beegan Wargaadhi, waana goobtii ay weerarka ka soo qaadeen.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xalay ku hoydeen bannaanada deegaanka Towfiiq, inkastoo aan la ogeyn inay deegaanka weerari doonaan iyo in kale.
Deegaankan ayaa waxaa tan iyo shalay ku gaaf-wareegaya diyaaradaha dagaalka, waxaana xusid mudan in diyaarad dagaal ay gantaal la heshay Shabaabka iyagoo ku laabanaya deegaankaasi.
Abuukar Macalin Maxamuud, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa duqayntaasi ku sheegay mid lagu xaqiijinayay inaysan wada baxsan firxadkii Shabaabka.
Ciidamada oo khatarta ka fogeynaya Wargaadhi ayaa isla shalay weeraray dagaal-yahano ka tirsan kuwa Shabaabka, oo sida la sheegay abaabul ka waday deegaanka Labi Goley oo 13km u jira Wargaadhi. Ciidamada ayayna u suurtagashay inay halkaasi ka riixaan maleeshiyadii dhawaan soo gashay, iyadoo ayna maleeshiyadu aadday dhinaca deegaanka Masaajid Cali Gaduud.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wargaadhi u arka meel aan looga maarmi karin hoggaaminta hawlgalka Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii 16-kii bishan ay lumiyeen gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal, oo taliska u ahayd goob laga hoggaamiyo hawlgalada Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Militariga ayaa hadda Wargaadhi ku leh talis taakulo oo loogu talagalay hawlgalka gobolka ee lagu la dagaalamayo Shabaabka culeyska soo saaray, laga bilaabo 20-kii bishii February. Militariga ayaana deegaankan uga tanaasuli karin hawlgalka ay tahay in lagu xoreeyo gobolkaasi.
Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkan Wargaadhi ka dhiseysay garoon la qorsheeyay in ay isticmaalaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda.
Barxadda garoonka ayaa waxaa isku weydaarta diyaaradaha drones-ka ee howlaha indha-indheynta ka sameeya bariga iyo dhulka xeebta ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Militariga Somaliya uu gelinkii dambe ee Khamiistii uu ciidan cusub geeyay deegaankaasi, ka dib markii diyaarado helicoptero ah looga qaaday Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa loo baahday, maadaama qaar ka mid ah kuwii horey u joogay deegaanka ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dagaalkii cuslaa ee Khamiistii ka dhacay deegaankaasi.
Al Shabaab ayaa waxaa muuqato in ay Wargaadhi u arkeysay goob caqabad ku ah joogitaankeeda Gobolka Shabellaha Dhexe, weerarkii shalayna uu ahaa mid ay ku dooneysay in ay kula wareegto, balse ay kala kulantay wax aysan fileynin.
Al Shabaab ayaa ku xisaabtameysay in maalmaha dhow aan looga daba iman doonin Wargaadhi, isla-markana ay adkaan doonto, haddii la isku dayo in laga saaro.
Al Shabaab ayaa Wargaadhi kala kulantay falcelintii ugu weyneyd ee ay kala kulanto goobta dagaalka, intii ay labada bilood weerarada is ballaarinta ka wadday bariga gobolka.
Shabaabka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanadii laga saaray laba sano horteed. Shabaabka ayaana dagaalka u soo raray deegaanadii xorta ahaa, maalmo uun ka dib, markii wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ay ciidamadu ka bilaabeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Weerarada Shabaabka ayaa carqaladeeyay hawlgalkii la qorsheynayay in looga saaro galbeedka labada gobol ee Hirshabelle. Shabaabka ayaa weeraradan ku doonaya in ay ku difaacdaan daanta galbeed ee Hirshabelle oo muddo dheer ay maamulayeen.