Wafdi ka socda Dowladda Somaliya oo la kulmay Raysal Wasaaraha Malaysia

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya, Fardowso Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa Magaalada Kuala Lumpur kula kulmay Raysal Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibraahim.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay, sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimaha siyaasadda iyo ganacsiga.

Wasiir Fardowso ayaa dhanka kale waxa ay Raysal Wasaaraha dalkaasi gaarsiisay salaan ay kaga sidday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Shekh Maxamuud.

Dalka Malaysia ayaa waxaa degan jaaliyad ballaaran oo Soomaaliyeed, kuwaa oo u badan arday iyo dad deegaan ka sameystay dalkaasi.

Dalkan ku yaala koonfur bari Asia ayaan wax ku dal ku-gal ah (VISA) ka dooneyn muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sita Baasaboor Soomaaliga.