Wararkii ugu dambeeyay qaraxyada ka dhacay Dhuusamareeb
Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) ayaa ka hadlay labadii qarax ee ay saakay ciidamadu ku fashiliyeen duleedka magaaladaasi.
Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in magaalada laga soo geliyo dhanka koonfureed ayaa la sheegay in ciidamadu ka hortaggeen inaanay gaarin bartilmaameedkooda.
Duqa Dhuusamareeb oo shir jaraa'id ku qabtay mid ka mid ah goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa ciidamada ku amaanay in ay ka hortaggeen dhagartii waxa uu ku sheegay Khawaarijta.
"Waxaa saakay duulaan baabuur qaraxyo ah lagu soo hubeeyay ay Khawaarijta Al Shabaab ku soo qaadeen Caasimadda Dhuusamareeb." Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.
"Qaraxii koowaad ciidamada ammaanka ayaa halkan ku fashiliyay. Qaraxii koowaad gaari Cabdi Bile ah ayaa halkan loo dhigay, xabadna waa lala dhacay, meel uu maro markii uu waayay ayuu naftii halligihii meeshaan isku qarxay, meel bannaan oo magaalada 7km u jirto weeye. Meeshaas annaga wax nagu gaaray oo gaarigii Cabdi Bilaha ahaa oo loo dhigay qaraxa iyo ninkii darawalka ahaa oo gaarigaa waday oo dhaawac soo gaaray, wax aan ahayn ma jiraan. Dhagarqabihii 1aad meeshaas buu ku halaagsamay, Ilaahay baana ku mahadsan." Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.
Waxa kaloo uu yiri "Qaraxii labaad 10 daqiiqo ka dib ayay ciidamada amnigu fashiliyeen, gaadiid dagaal ayaana runtii laga la hortegay, dhashiike ayaa lala dhacay, uma suurtagelin howshii ay wadeen iyo inay xitaa Dhuusamareeb ku dhawaadaan, midna. Halkaas isna qaraxii labaad ayaa lagu fashiliyay, dhagarqabihii gaariga waday baa isna meeshaas ku halaagsamay."
Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Duqa Magaalada Dhuusamareeb ayaa ballanqaaday in la abaalmarin doono ciidamadii amniga ee labadaasi qarax fashilliyay.
"Waxaan rabnaa halkan inaan uga mahadcelino ciidamada amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliska iyo Nabad Sugidda oo runtii dhibaatadii ay nimankaasi wadeen, oo ay Caasimadda Dhuusamareeb, shacabka degan iyo dowladda joogta la damacsanaayeen uu Ilaahay (SWT) ayaga sabab uga dhigay in nimankaasi ay halkan ku halaagsamaan. Ciidamadaasi waan amaanaya, waan u mahadcelinaya, waana la abaalmarinaya, Insha'Allah, anigoo Dowladda Soomaaliyeed uga wakiil ah mudnaantooda ayay helayaan." Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.
Duqa Dhuusamareeb ayaa dadka reer Dhuusamareeb ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada naftooda u huraya, sidii ay nabadgelyo ugu noolaan lahaayeen.
"Ciidamadiina amniga waad arkaysaan shaqada ay idiin qabteen, haddii qaraxaasi suurtagal ay noqon lahayd in magaalada dhexdeeda uu taggo intuu dhibaato gaysan lahaa iyo intuu ummad halaagi lahaa, waana la ogyahay wixii Beledweyne ka dhacay. Marka ciidamadiinu waxay mudan yihiin inaad aad iyo aad ula shaqeysaan, uga mahadcelisaan, u soo dhaweysaan, una garab istaagtaan." Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, sida ay shaacisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii ugu dambeysay Dhuusamareeb u joogay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.