Wasiirka Difaaca Israel oo booqday jiidda waqooyi, xilli ay xaaladdu kacsan tahay

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa Isniintii booqday jiidda waqooyi ee Israel, gaar ahaan meel ku dhow xuduudda Israel iyo Lubnaan.

Wasiirka ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo Ciidanka Difaaca Israel, kuwaa oo sida la sheegay diyaargarow ugu jira hawlgal dhinaca dhulka oo ka dhan ah koonfurta dalka Lubnaan.

Wasiirka oo hadal u jeediyay Militariga Israel ayaa sheegay in waajibaadka koowaad ee hadda saaran Ciidanka Difaaca Israel uu yahay, sidii guryahooda dib loogu soo celin lahaa Israeliyiintii horey ugu barakacay xiisadda labada dal.

Wasiirka ayaa ciidamada u sheegay "Waxaan isticmaali doonnaa awooddeena oo dhan, si dadkeenna aan dib ugu soo celino waqooyiga Israel."

Wasiir Gallant ayaa yiri "Awooddeenna ayaan u adeegsan doonnaa, sidii dadkii barakacay aan ugu soo celin lahayn guryahooda."

Gallant ayaa intaasi ku daray "In la dilo Hassan Nasrallah waxay ahayd tallaabo aad muhiim u ah, laakiin ma ahan dhammaadka hawlgalada militari ee la qorsheeyay."

Gallant ayaa tilmaamay in wejiga xigga hawlgalka uu si dhakhsa ah u bilaaban doono, ayna tahay in ciidamadu ay u diyaargaroobaan.

Dhanka kale Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant oo la kulmay maamulada deegaanada waqooyiga ayaa sheegay in la qaadi doono hawlgal isugu jira dhul, bad iyo cirba.

"Taasi waa waxa aan samayn doono, waxaana hawlgalka u adeegsan doonnaa dhulka, badda iyo hawada." Ayuu yiri Wasiir Gallant.

Qorshaha Israel ayaa ah in aag ka caagan Xoogaga Xisbullah laga sameeyo deegaanada xadka ee gudaha Lubnaan, iyadoo gacan bir ah lagu qabanayo amniga deegaanada waqooyiga Israel ee ku teedsan xuduudda labada dal.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gobolka, Saraakiisha Xisbullah-na ay wacad ku mareen inay difaaci doonaan dalka Lubnaan.