Weerar ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Xeebta Liido ee Muqdisho
Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa weerar ay dad badani ku dhinteen ka gaystay Hotel Beach View ee Magaalada Muqdisho.
Dableydan ayay u suurtagashay in ay xoog ku galaan hotelkan oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo saacado xiriir ah ay ka dagaalamayeen.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, oo isku qarxiyay dad kuraas ku fadhiyay oo ku caweynayay xeebta. Weerarku waxa uu dhacay caweys Jimce ah oo dadku ay ka nasanayeen shaqooyinkooda. Maalmaha Jimcaha ayay dadka reer Muqdisho waqti nasiino ah ku qaataan goobaha ay u arkaan inay ku habboon yihiin in ay ku nastaan, Jimcahana waa maalinta ugu mashquulka badan Xeebta Liido.
Qaraxan uu weerarku ku bilowday ayaa gaystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana la arkayay dad u badan dhallinyaro oo dhulka daadsan.
Intaasi ka dib dhowr nin oo hubeysan ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Dhismaha Beach View, isla-markaana ay bilaabeen in ay toogtaan dadkii halkaasi ku sugnaa. Beach View ayaa leh maqaaxi laga cunteeyo, dadkuna ay aad u fariistaan.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dableyda ay dileen qaar ka mid ah dadkii u cashada doontay goobta, tiro kalena ay dhaawaceen.
Booliska sida gaar ah u tababaran ee Haramcad oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay in shan saacadood ka dib ay soo afjaraan dableydaasi.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa xilli dambe oo habeen ah ku dhawaaqay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarka.
"Ciidamada ayaa toogtay shan Khawaarij oo ahaa dhagarqabeyaashii weerarka soo qaaday, halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay Xeebta Liido, iyadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayay." Ayuu yiri Taliyuhu.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay soo samata-bixiyeen dad fara-badan oo ku go'doonsanaa dhismaha la weeraray.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada amniga ay fashiliyeen gaari lagu soo raray walxaha qarxa, lana doonayay sida uu yiri in lagu dhibaateeyo shacabka caasimadda.
Korneyl Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaan sheegin khasaaraha uu gaystay weerarka, marka laga soo tago in ciidamadu ay dileen shan nin oo ka tirsanaa Shabaabka.
Ilaha caafimaadka ee magaalada ayaa laga soo xigtay in ay qaabileen meydad iyo dhaawacyo fara-badan, iyagoona weerarkan ku sheegay mid ka mida weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay magaalada, dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay.
Dhanka kale waxaa jira dad badan oo nolol iyo geeri aan midna lahayn, kuwaa oo markii ugu war dambeysay ku sugnaa Xeebta Liido.
Isbitaalada ayaa waxaa isaga daba laalaabanaya dad baadigoobaya xubno ka mid ah qoysaskooda oo ay la'yihiin.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 5aad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Magaalada Muqdisho, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shabaabka ayaa horey u weeraray Hotelada Xayaat, Villa Rays, Pearl Beach iyo SYL Hotel, oo ku yaala xeendaabka Xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Inkastoo uu magaalada ka jiro is bedel dhanka amniga ah, haddana Shabaabka ayaa isku dayaya in ay carqaladeeyaan dadaalada ay Dowladda Federaalka ku xaqiijineyso amniga Muqdisho.