Xamaas oo iska diiday dalabkii Raysal Wasaaraha Israel, si dagaalka loo joojiyo

Ururka Xamaas ayaa iska diiday dalabka Raysal Wasaaraha Israel ee sheegaya in la sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta, si ay dagaalka u joojiyaan.
Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ku celceliyay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Marinka Gaza, illaa iyo inta laga soo deynayo la haysteyaasha.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay inaysan jiri doonin maxaabiis ay sii deynayaan.
Afhayeenka ayaa muuqaal uu xalay soo duubay ku sheegay in la haysteyaasha Israeliyiinta ay ku fasixi karaan oo keliya, haddii Tel Aviv ay sii deynayso maxabiista Falastiiniyiinta ee xabsiyadeeda ka buuxa.
"Maxaabiista aan ka hayno Israel iyo kuweenna way isku dhigmaan, waxay naga hayaan haween, annagana waxaan ka haynaa haween, waxay naga hayaan dad da' ah oo xanuunsanaya, annagana waxaan ka haynaa dad noocaas ah, waxay naga hayaan dagaal-yahano, annagana waxaan ka haynaa askartooda, waxay naga hayaan masuuliyiin, annagana waxaan ka haynaa Saraakiishooda." Ayuu yiri Afhayeenka.
Waxa kaloo uu yiri "Ma dhici doonto inaan sii deyno maxaabiistooda, inta kuweenna ay ku jiraan xabsiyada cadowga. Waxaan maxaabiistooda oodda ka qaadi doonnaa, marka kuweenna ay soo sii daayaan."
Abu Obaida ayaa carabka ku adkeeyay inaysan jiri doonin wax intaasi dhaafsiisan, oo iyaga iyo Israel dhex mari kara.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay Xamaas iyo Israel u socdaan wada hadalo ay garwadeen ka tahay Dowladda Qatar, ayna suurtagal tahay in ay gaaraan heshiis maxaabiis is weydaarsi ah.
Maamulka Netanyahu ayaa cadaadis kala kulmaya qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, kuwaa oo maamulkiisa ka dalbanaya in uu Xamaas la bilaabo gorgortan maxaabiista lagu kala bedelanayo.
Militariga Israel ayaa dhawaan sheegay in tirada maxaabiista lagu hayo Marinka Gaza ay gaareyso 241 qof.
Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ku xiran 19 xabsi oo ku yaala Israel iyo mid kale oo ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto.
Xamaas ayaa dalbaneysa in gebi ahaanba la soo sii dayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israel, si kuwa ay hayaan ay u sii daayaan.
Nooc kasta oo maxaabiis is weydaarsi ah ay sameeyaan ayaa la sheegaya in uu noqon doono heshiiskii ugu weynaa ee labada dhinac ay maxaabiis isku dhaafsadaan, marka aad eegto tirada faraha badan ee ay markii ugu horreysay Xamaas ku soo qafaalatay weerarkii 7-dii October.


