Xeer-beegtida Mareykanka oo burcad badeed Soomaali ah ku heshay dambi ah inay afduubteen wariye Mareykan ah

Labo eedaysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan, ayaa lagu helay 6 dambi oo ay ka mid yihiin inay maleegayeen inay taageero maadi ah u fidiyaan falal argagixisanimo, afduub, iyo  doorkii ay ku lahaayeen Afduubkii 2012-kii loo geystay weriye Maraykan ah.

Maxamed Tahliil Maxamed oo wasiir kasoo noqday mid kamid ah maamuladii maxalliga ahaa ee gobolada dhexe dalka, iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa wajahaya xabsi daa’in marka la xukumo sanadkan gudihiisa.

Sida ay xeer-beegtidu sheegtay, labadan nin waxaa maxbuus muddo dhowr sano u ahaa weriye ajnabi ah oo lagu magacaabo Michael Scott Moore Moore.  

Weriyahan ayaa bishii january ee 2012 laga afduubtay magaalada Gaalkacyo, xilli uu ku guda jiray filim uu ka sameynayay howlihii burcad badeeda Soomaalida ee xilligaas.

Xeer-beegtidu waxay sheegtay in Qoriga Dhashiikaha iyo Bam-gacmeedka lagu handadi jiray oo lagu hayn jiray Moore.

Maxamed Tahliil Maxamed oo ahaa Wasiirkii arrimaha gudaha iyo Amniga ee maamulkii Ximin iyo Xeeb ee fadhigiisu ahaa magaalada Cadaado, ayaa loo haystaa inuu ku takri-falay xilkii uu ka hayay maamulkiisa, wuxuuna hormuud ka ahaa sida ay xeer-beegtidu sheegtay, dadaallada burcad-badeedda ah ee ay ku doonayeen inay madaxfurasho aad u badan uga qaataan hooyada Moore.

"Xukunnada dambiyadan waxay muujinayaan in waqti iyo fogaansho midna aysan wiiqi karin go'aankeenna ah inaan si buuxda ula xisaabtano kuwa ku dhiirada inay muwaadiniinta Mareykanka afduub ugu haystaan dibadda,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha dalka Maraykanka.

Cabdi Yuusuf Xasan, oo 51 jir ah, haystana dhalashada Mareykanka, kuna dhashay Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu ahaa turjumaan, waxaana lagu eedeeyay in uu ka gorgortamayay madaxfurasho Moore.

Hal mar ayuu  Maxamed Tahliil Maxamed  ku booriyay qoyska Moore inay iibiyaan gurigooda si ay u bixiyaan madax-furashada.

Waxaa lagu xiray bishii Febraayo 2019 magaalada Minneapolis waxaana lagu hayay dammaanad la'aan ilaa maxkamadeyntiisa ka dib markii garsooraha uu u arkay inuu khatar ku yahay bulshada.

Sida laga soo xigtay Moore, burcad-badeeddu waxay markii hore dalbadeen 20 milyan oo doollar si ay xorriyaddiisa u helaan, balse hooyadii ayaa la sheegay inay gorgortan ka gashay qiimahaas oo laga dhigay 1.6 milyan oo doollar oo madaxfurasho ah.

Waxa la sii daayay Sebtembar 2014.

Ma cadda sida loo qabtay Maxamed Tahliil Maxamed, laakiin dukumentiyada maxkamadda ayaa muujinaya in la soo taagay oo lagu xiray magaalada New York xagaagii 2018.