Xildhibaan Maxamed Muxumed oo walaac ka muujiyay dilalka ka dhacay Doolow

Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Gedo ayaa walaac ka muujiyay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Doolow ee gobolkaasi.

Shacabka ku dhaqan Degmada Doolow ayaa maanta ka gadooday qarax miino oo 18-kii bishan lagu dilay Captain Maxamed Aweys Cali, oo ahaa Taliyihii Ururka 28aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo dil kale oo 23-kii bishan degmadaasi loogu gaystay darawal mooto bajaaj, oo dilkiisa lagu eedeeyay Saraakiil loogu diray gobolkaasi inay soo baaraan qaraxa lagu dilay Captain Maxamed Aweys.

Darawalka ayaana la sheegay inuu geeriyooday, intii ay Saraakiishaasi baaritaanka wadeen, waana mooto bajaajlaha loo soo xiray in goobta keenay qaraxa lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa Militariga Somaliya.

Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay iska horimaadkii dadka ku dhinteen ee maanta ka dhacay degmadaasi.

Xildhibaan Maxamed Muxumed ayaa sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ee Sabtidii tegay degmadaasi ay ka doonayeen inuu baaritaan ku sameeyo dilka muwaadinkaasi iyo Saraakiishii Ciidamada ee muddooyinkii ugu dambeysay lagu dilay Gobolka Gedo, balse sida uu sheegay aanay taasi dhicin.

“Ninkaa muwaadinka ah ee sida arxandara ah baaritaanka loogu dilay, waxay noqotay shil labaad oo murugo badan oo meeshaa ka dhacay. Murugada markay dhacday meeshaa waxaa ku baxay Gudoomiyihii Maxkamadda Ciidamada, wuxuu tegay deegaankii. Dhab ahaantii waxaan ka sugeynay baaritaan sax ah inuu sameeyo, deegaanka muddo ku sugnaado, wixii ka dambeeyay dilka Saraakiisha iyo caddeyntii ninkaa muwaadinka ah ee lagu dhex dilay gacanta masuuliyiintii dowladda, asagoo ku jira lagu dilay ayaan rabnay baaritaan inuu ku sameeyo dadkii dembiileyaasha ahaa ee ninkaa miskiin ah dilay iyo baaritaan sax ah oo Saraakiishii la laayay in la helo ayay ahayd. Nasiib darro maanta waxaa ka sii dhacay meeshaas, koley masuuliyad darro oo rag kale ay ku dhinteen ayay ahayd.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Muxumed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in masuuliyiintii gobolka tegay aanay ahayn in xaaladda kaga sii daraan, taasi bedelkeedana ay ka sugayeen in dembiileyaasha lagu qaado sharciga.

“Meeshii dhacdo kale inay ka sii dhacdo oo jewigu siduu ahaa looga soo diraa sax ma aha, oo amniga uu gacanta ka sii baxo, muran, buuq iyo gacan ka hadal inay gaarto sax ma ahayn, ayadoo masuuliyiintii ugu waaweynaa maxkamadda ee caddaaladda laga sugayay ay meesha joogaan. Arrintaas waxaan leenahay hala dejiyo, amnigana ha laga shaqeeyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Muxumed.

Xildhibaanka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii horey loogu dilay gobolka iyo dadka kale ee ku dhintay iska horimaadka maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Doolow.