Xubno lagu eedeeyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Baar Sanguuni

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay saddex nin oo lala xiriiriyay maleeshiyada Al Shabaab.

Raggan ayaa la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen aagga jiinka webiga ee deegaankaasi.

Ma cadda waxa raggani ay Shabaabku u qaabilsanayeen, hase yeeshee Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in baaritaan uu ku socdo.

Ciidamada ayaa aad u feejigan, ka dib weerarkii xooganaa ee ay Shabaabku 16-kii bishan ka gaystaan deegaankaasi, oo hoostagga Magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay si weyn u xadideen dhaqdhaqaaqa gaadiidka imaanaya deegaankaasi, isla-markaana aanay deegaankaasi cagta soo dhigi karin cid aan laga garanayn amaba aan damaanad loo hayn.

Ciidamada ayaa gobolka ka wada dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo in lagu qabto deegaanada ay maleeshiyada Shabaabka ka maamulaan gobolkaasi.