Yahya Sinwar oo loo magacaabay Hoggaamiyaha Ururka Xamaas
Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah xalay ugu dhawaaqay in Yahya Sinwar uu noqonayo hoggaamiyaha xigga ee ururka, ka dib dilkii Ismail Haniyeh loogu gaystay Magaalada Tehran ee dalkaasi Iran.
Yahya Sinwar ayaa hadda ku magacawnaa Gudoomiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, isagoona noqonaya Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas.
Ninkan ayaa ah ninka ay Israel ugu doonista badan tahay, marka loo eego Saraakiisha Xamaas, xilli uu ku sugan meel uun ka mid ah Marinka Gaza.
Israel ayaa ku eedeysay in uu door weyn ka qaatay weerarkii Xoogaga Xamaas ay 7-dii October ka gaysteen dhulka ay maamusho.
Taliska Militariga Israel ayaa bishii December madaxa Yahya Sinwar duldhigay afar boqol oo kun oo dollar ($400,000), oo loo ballanqaaday in la siin doono ciddii nolol ama geeri ku keenta ninkaasi amaba keenta xog horseedi karta in la soo qabto amaba la dilo.
Sarkaalkan ayaa muddo dheer ku xirnaa xabsiyada Israel, iyadoo maxkamad ku taala Israel ay sanadkii 1989-kii ku xukuntay afar xabsi daa’in, ka gadaal markii lagu helay in uu ka qayb qaatay dilka dad Falastiiniyiin ah oo lala xiriiriyay inay u basaasayeen Israel iyo inuu maleygayay dilka laba ka mid ah Ciidamada Israel.
Yahya Sinwar ayaa sanadkii 2011 ka mid noqday 1,027 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo Israel ay ku bedelatay askari Israeli ah oo lagu magacaabo Gilad Shalit, kaas oo Xamaas ay 5 sano haysatay. Sinwar ayaa xabsiga laga sii daayay, ka dib muddo 22 sano ah oo Israel uu u xirnaa.
Sinwar waxaa lagu tilmaamaa maxbuuska keliya ee ay Israel ka qoomameynayso sii deysmadiisa, iyadoo dib ka ogaatay inuu yahay nin si fiican u garanaya qaabka ay ciidamadeedu u shaqeeyaan iyo inuu aad ugu wanaagsan qaabeynta hawlgalada & hawlgelinta ciidamada, taasoo ay u aragto mid khatar weyn ku ah ammaankeeda.
Sinwar waxa kaloo lagu tilmaamaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay in Marinka Gaza laga sifeeyo jaajuusiin badan, oo Sirdoonka Israel ay horaan ku yeesheen.
Israel iyo sirdoonkeedaba waxaa la leeyahay marnaba ma fileynin in Sinwar loo soo magacaabi doono booskii uu banneeyay Ismail Haniyeh, oo ahaa wejiga diblomaasiyadda ee Xamaas.
Sinwar ayaa hoggaamiyeyaashii kale ee Xamaas kaga duwan in la soo magacaabay waqti adag iyo inuu ku sugan yahay gudaha Marinka Gaza. Hoggaamiyeyaashii ugu dambeeyay ee siyaasadda ayaa ku shaqeynayay dalka dibaddiisa.
Magacaabiddiisa ayaa daweyn iyo dhayid u noqon karta shacabka Falastiiniyiinta oo si weyn uga carooday dilkii siyaasadeed ee goobta looga saaray Ismail Haniyeh.
Falastiiniyiinta ayaa Yahya Sinwar u arka bedelka ku habboon hoggaamiyihii geeriyooday.
Ururka Xamaas ee Falastiin waa dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee gobanimo doon ee halganka ugu jira xoreynta dadka Falastiiniyiinta iyo dhulkooda xoogga lagu haysto.