Raiisal Wasaaraha oo kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka (SAWIRRO)

Raiisal Wasaaraha oo kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka (SAWIRRO)18 April 2017

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer kadis ah ku tagay Xarunta Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, xilli madaxda Wasaaradda aanan horay loogu soo wargelin boqashada Ra'iisal Wasaaraha.

Xilliga saaka uu tagaayay Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Xarunta Wasaaradda waxa ay aheyd 8:40 daqiiqo, xilligaasi oo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda ay ahaayeen kuwa ku xaadir ah xarunta Wasaaradda.

Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dr. Abdi Qani Cumar ayaa ku soo dhaweeyay Ra'iisal Wasaaraha xarunta Wasaaradda, wuxuuna warbixin ka siiyay sida shaqada ay u socoto iyo shaqaalaha hawlaha kala duwan ay qabtaan.

"Raisul Wasaare Hassan Kheyre aa saakay booqasho kormeer shaqo ku yimid Wasaarada Haweenka xili hore. Runti waxu la kulmay dhamaan shaqaalaha Wasaarada oo wada xaadir aha." Ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Haweenka.

Kormeerkaan oo ah mid kadis ah, ayaa Wasaaraddaha qaar ay ku fashilmeen, kadib markii la waayay shaqaalaha oo aanan xaadir aheyn, balse Wasaaradda Haweenka ayaa dhaqan gelisay xilliga shaqo soo galista oo ah 8:00 Subaxnimo. 

14925003082fbdf.jpg

149250031025eeb.jpg

14925003121e8ef.jpg

1492500317d97cf.jpg

14925003192675a.jpg

1492500321fb9c8.jpg

Comments