Ciidamada dowladda oo hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo ka sameeyay deegaanka Leego

Ciidamada dowladda oo hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo ka sameeyay deegaanka Leego18 April 2017

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, ayaa deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay ka sameeyeen hawlgalo lagu xaqaiijinaayo ammaanka deegaankaasi.

Guddoomiyah deegaankaasi Abukar C/laahi Isaaq, ayaa sheegay in hawlgalladan ay ahaayeen kuwo habeenadii ugu dambeeyay ay ka sameeyaan degaanka, amnigana ay wax badan ka bedaleen.

Waxa uu sheegay in deegaanka oo muddo Bil ku dhow saaran yahay Bandow habeenkii ah, in ciidamada ay raadiyaan cid walbo oo dooneysa iney jabiso ammarka Bandowga ah.

“Hadda amniga deegaanka wax badan ayaa iska bedalay, ciidamada waxay habeenkii oo dhan sameeyaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, Bandow ayaa saaran habeenkii deegaanka, waxaana muuqata in amniga uu wax badan iska bedalay” ayuu yiri guddoomiyaha Leego.

Guddoomiye Abukar ma aanu sheegin haddii ay jiraan cid ay kusoo qabteen  holwgllada,  balse wuxuu ku gaabsaday in amniga ay wax badan ka qabteen.

Comments