Madaxweynaha CAF oo maanta ka dhoofay Muqdisho

Madaxweynaha CAF oo maanta ka dhoofay Muqdisho18 April 2017

Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika ee CAF,Axmed Axmed ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho oo uu xalay ku hoyday kadib markii uu booqasho ku yimid shalay. 

Mr Axmed,ayaa waxa uu shalay kor meeray Xarumaha Ciyaaraha ee Muqdisho oo kala ah Garoomada Ciyaaraha sida Stadium Muqdisho,Jaamacadaha iyo Garoonka Banaadir. 

Wafdiga inta uu Garoomadaas ku wareegayay waxaa la socday Wasiirrada Ciyaaraha,amniga iyo Gaashaanshigga iyo sidoo kale Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya. 

Xalay waxaa uu ku hoyday magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadlay garoonka Dedan ee Muqdisho Stadium oo sal dhig ciidan u ah Amisom. 

Sidoo kale Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay dhawaan dib u dhisayaan garoonka Stadium Muqdisho iyo Hotelkii ay degi lahaayeen Ciyaartoyda ku ciyaaraya Garoonka. 

Axmed waxaa la doortay 16kii March,waxaana uu xilligii ololihiisa ballan qaaday in uu booqanayo Soomaaliya taas oo uu ka dhabeeyay bil kaddib.

Comments