Wasiirka Dastuurka oo sheegay inay qabanayaan shir qaran oo dib loogu eegaayo Dastuurka

Wasiirka Dastuurka oo sheegay inay qabanayaan shir qaran oo dib loogu eegaayo Dastuurka19 April 2017

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay dhawaan isugu yeereyso Wasiirrada wasaaradaha dowlad Goboleedyada ka jira dalka. 

Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale la casuumi doono qeybaha kala duwan ee Bulshada si looga tala geliyo dib u eegista lagu sameynayo dastuurka Kumeel gaarka ah ee Somaliya. 

Waxa uu Wasiirku intaas ku daray in dhawaan ay dejiyeen qorshe howled ay ku doonayaan in 90 Cisho gudahood ay ku qabanayaan shir islamarkaana la isugu diyaarinayo shirka weyn ee dib u eegista dastuurka. 

Kulanka Wasiirrada Dowlad Goboleedyada ee Dastuurka ayaa qabsoomaya dhamaadka bishan waxaana xigi doono fulinta qorshe howleedka sagaashanka maalmood ah ee lagu doonayo in Wasaaradda Dastuurka dib u eegis ugu sameyso Dastuurka KMG ah,waxaana uu qorshuhu yahay in 2020-ka Dastuur afti dadweyne loo qaaday uu yeesho dalka Soomaaliya.

Comments