Diyaaradihii qaadka Muqdisho keeni jiray oo maanta Jowhar ka degaya

Diyaaradihii qaadka Muqdisho keeni jiray oo maanta Jowhar ka degaya20 April 2017

Ganacsatada Qaadka ka soo dejin jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta aysan Qaad ka soo dejin doonin Magaalada Muqdisho islamarkaana ay u wareejiyeen Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle. 

Mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhex galay Guddiga Ganacsatada Qaadka iyo Dowladda Federaalka ah uu salka ku haayo gadoodka ay ka sameeyeen. 

Waxa uu sheegay in 7 Diyaaradood ay maanta ka dagi doonaan Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle islamarkaana ay Muqdisho ka joojiyeen ilaa ay dowladda wax ka beddeleyso Canshuur kordhinta ay sameysya oo ay isku fahmi waayeen Ganacsatada. 

Kiilada Qaadka ah ayaa horay looga qaadi jiray Garoonka Aadan Cadde 43,000  Sh.Somali ah halka hadda laga dhigay 53,000 kun oo Shilin Soomaali ah. 

Dowladda Somaliya illaa hadda kama aysan hadlin canshuur kordhinta ay ka cabanayaan ganacsatada qaadka ee dalka.

Comments