Warbaahinta Mareykanka oo dhaleeceysay weerarada afka ah oo ay kala kulmayaan Donald Trump

Boqolaal wargeys iyo tifaftirayaal ayaa dhaleeceyn u soo jeediyay madaxweynaha mareykanka Donald Trump weerarkiisa ka dhanka ah warbaahinta.


Inkabadan 350 warbaahin ayaa ka digay baaqa Boston Globe oo ku aadan weerarada afka ah ee madaxweyne Trump uu ku hayo warbaahinta gudaha mareykanka.


Wargeyska The New York Times ayaa qoray dhaleeceynta warbaahinta in ay tahay mid aan habooneyn iyo wararka saxda ah oo aadan dooneyn in aad ku tilmaanto mid aan Jirin ay ka hor imaaneyso xuriyada hadalka.

Tifaftirayaasha New York ayaa hadalkooda raaciyay in madaxweyne Trump wararka uusan dooneyn uu marwalbo ku tilmaamo kuwo halis ku ah nolosha iyo dimuquraadiyada dadka mareykanka.


Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Trump ayaa waxaa uu dhaleeceyn joogta ah u soo jeedinayay warbaahinta mareykanka oo uu sheegay in badi wararkooda ay yihiin kuwo aan sax aheyn.


Trump ayaa sidoo kale sheegay in warbaahinta ay cadow ku yihiin danaha shacab weynaha Mareykanka.


Saacado ka hor ayaa mr Trump waxaa uu weerar ku qaaday warfidiyeenada waxaana uu sheegay in ay yihiin xisbi mucaarad ah,isaga oo intaa ku daray mid aan u wanaagsaneyn mareykanka,Balse uu marwalba uga digayo in arimahaan ay sii wadaan.


Ugu danbey Trump ayaa hadalkiisa ku soo koobay in warfidiyeenada mareykanka ay wadaan dano siyaasadeed oo guracan ,iyo waxa uu ugu yeeray dhibaateynta shacabka .

Faallooyin