Shacabka ku dhaqan gobolada xeebta iyo waqooyi bari Kenya oo lagu eedeyay la shaqeynta Al shabab

Agaasimaha dhanka howlgalada ee ismaamul goboleedka Lamu Mr Joseph Kanyiri ayaa ku eedeyay shacabka ku dhaqan Lamu Tana river iyo Garissa in ay gabaad siiyaan dagaal yahanada Al shabab.

Waxaa uu sheegay in shacabka ku wargaliyaan al shabab marka ay howlgalada ay sameynayaan ciidamada Amniga halka kuwa kalena ay gabaad siiyaan dagaal yahanada.


Mr Kanyiri ayaa ku eedeyay in weeraradii ugu danbeeyay oo al shabab ka geysteen gobolka xeebta ay ku timid qabar ay ka heleen dadweynaha.

Sargaalkan ayaa sheegay in tani ay sii kordhineyso in si sahal ah loo soo af jaro howlgalka Linda Boni.


Mr kinyiri ayaa dhanka kale tilmaamay in aysan Jirin wax cilad ah oo ka dhex jirta laamaha amniga balse wadada kaliya ee kooxaha Argagixisada ay ku helaan xogaha ay tahay shacabka ku dhaqan ismaamulada Garissa tana river iyo lamu oo la shaqeeya.


Ugu danbeyn waxaa uu ka codsaday in shacabka ay la shaqeyaan ciidamada si loo soo afjaro weerarada Al shabab ka geysaanayaan gobolka xeebta iyo gobolka waqooyi bari kenya.

Dowlada Kenya ayaa bilowday howlgalka Linda Boni sanadii 2015-kii kaasi oo ujeedada laga lahaa ay aheyd sidii al shabab looga sifeyn lahaa Keynta Boni iyo degaanada u dhow xuduuda somalia iyo kenya balse ilaa iyo hada aysan hakin howlgaladaas weerada Al shabab.

Faallooyin