Muslimiinta Uk oo canbaareyay weeraro lagu qaaday laba masaajid oo ku yaal Birmingham

Dalada ay ku mideysan yihiin muslimiinta Uk ayaa si kulul u cambaareyay weerar lagu qaaday masaajido ku yaal magaalada Birmingham intii lagu gudo Jiray salaadii cishaha.


Masaajidka Qamarul Islaam iyo masaajidka kale ee u dhow ee Al-Hijrah ayaa qaar ka mid ah miraayadaha daaqadaha loo geystay burbur baahsan iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn kooxda ka danbeysay falkaas.


Ciidamo xoogan oo ka tirsan Police-ka ayaa loo daabulay aagaasi sida ay barta Twitter-ka ku xaqiijiyeen saraakiisha amniga magaalada Birmingham.


Police-ka ayaa dhanka kale sheegay in ay fureen baaritaan ku aadan dhacdadaan oo ay ku sheegeen in ay tahay fal danbiyeed ku saleysan Naceyb.

Dalad ay ku mideysan yihiin masaajido badan oo ku yaal Uk oo lagu magacaabo Bahu Trust ayaa sheegtay in aysan garaneyn sababta keentay in la weeraro masaajidan.

Faallooyin