Sawirro:Koox dabley ah oo gaari caasi ah ku rasaaseeyay ismaamulka Mandera

Koox dabley ah ayaa weerar ku qaaday goordhow oo barqadan maanta ah gaari caasi ah oo ka howlgala inta u dhaxeysa ceel waaq iyo mandera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari kenya.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhaawacmay sadex ruux oo rakaab ahaa oo saarnaa gaariga caasiga sida ay universal u sheegeen saraakiisha laamaha amniga Mandera.
Weerarkan ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow degaan ka wargaduud,iyadoo dadka ku dhaawacmay la dhigay isbitaalka magaalada Mandera.

Saraakiisha amniga ee aagaasi ayaa wada baadi goob ka kooxdii ka danbeysay weerarkan ka dhacay ismaamulka Mandera.

Lama oga waxa keenay in la bartilmaameedsado dadka birimageydada ah,balse weerarkan ayaa noqonaya kii sedexaad oo mudo 10 maalin ah gudahood ka dhaca ismaamulka Mandera.

Faallooyin