Wakiilka Dumar ka ismaamulka Mombasa oo soo dhaweysay in la mamnuuco qaadka

Wakiilka Dumar ka ee ismaamul Goboleedka Mombasa ee dalka kenya Asha Hussein ayaa waxay taageertay in laga mamnuuca degaanadaas isticmaalka qaadka maqooq-ga oo ay sheegtay in uu dhibaato ku hayo dadka isticmaala.


Marwo Asha sheegtay muqaadaraad kasta oo la isticmaalo uu dhibaato caafimaad ay leedahay.

Xilli ay maanta warfidiyeenada kula hadashay mombasa ayaa waxay tibaaxday in wax iska fudud ay tahay in ruux kasta uu helo daroogada gaar ahaan caruurta.


Haweeneydan matasha dumar ka mombasa ayaa soo dhaweysay dadaalada lagu mamnuucayo maqooqa oo ay tilmaantay in dhibaato badan uu u geystay bulshada.

Mar ay ka hadashay dhanka amniga ayaa waxay sheegtay in dadka isticmaala daroogada ay caqabad ku yihiin amniga mombasa,taasi oo ah sababta ciidamada amniga ay marwalba ay u soo qabtaan dhalinyaro yar yar oo lala xiriirinayo falal danbiyeedyada.


Caruurta ay da, ahaan jira 10-ka sano ayay xildhibaanadan sheegtay in ay gadan karaan maqooqaada,halka lamaanaha is qaba ay iyaguna qaarkood ay maalinle u cunaan.


Arimahaan ayey u sababeysay qiimaha hoose ee lagu iibiyo qaadka maqooqada marka loo eego kuwa kale.


Ugu danbeyn waxay ugu baaqday xildhibaanada hoose ee ismaamulka mombasa ay meel mariyaan sharciga lagu mamnuucayo ka ganacsiga iyo isticmaalka qaadka loo yaqaan Maqooqaa.


Laba isbuuc mudo laga joogo ayaa gudiga caafimaadka u qaabilsan barlamaanka mombasa ee dalka kenya waxay sheegeen in ay wadaan olole lagu mamnuucayo isticmaalka iyo ka ganacsiga qaadka maqooqaa-da ee lagu iibiyo mombasa.

Faallooyin