Dowlada Spain oo aastay tahriibayaal ku dhintay bada oo heybtooda la aqoonsan

Laanta qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ayaa waxay shaacisay in muhaajiriin afrikan ah oo qaarkood aan la aqoonsan lagu aasay koonfurta wadanka Spain.


Tahriibayaashan ayaa ku nafwaayay gudaha bada intii ay ku gudo Jireen safarka bada ee qar iska tuurnimada.


Dowlada Spain ayaa tibaaxday in bilihii la soo dhaaafay ay ku howlaneyd in ay ogaato halka meydadkaan ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan balse taasi aysan u suura galin.

Qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegtay in 63,000 oo qaxooti ah ay dhanka bada ka galeen qaarada yurub sanadan 2018-ka.


Laba boqolkiiba ayaa waxaa ay safarkooda ku tageen dalka Spain waxaana qaarkood aysan dadkan u suura galin in ay nolosha ku badbaadaan.


Koonfurta wadanka Spain ayaa caan waxay ku noqotay sanadihii la soo dhaafay goob ay saldhigtaan tahriibayaasha ka soo jeeda qaarada Afrika iyo wadamada bariga dhexe oo qaarkood ay colaad baahan ka Jirto.

Faallooyin