Masar oo meel marisay sharci adag oo ka dhan ah Website-yada

Xukuumada Masar ayaa meel marisay sharci cusub oo u ogolanaaya laamaha amniga in ay xiraan website-yada iyo in xabsi ama ganaax laga qaado wariye yaasha qora warar ka dhanka ah dowlada.


Sharci danbiyeedka Internet-ka oo loo yaqaan cybercrime ayaa waxaa qalinka ku duugay maanta oo sabti ah madaxweynaha masar Abdel Fattah el-Sisi iyadoo tani ay tahay weerar ka dhan ah warbaahinta.


Maamulka sisi ayaa sanadihii la soo dhaafay lagu eedeynay tacadi iyo hanjabaado ka dhan ah bahda saxaafada.


Dowlada Masar ayaa waxay dhanka kale beegsan doonta shaqsiyaadka sida ula kaca ah ama aheyn u booqda websityada gudaha iyo dibeda ee la mamnuucay oo halista ku ah dhaqaalaha amniga iyo danaha Masar.


Amarkaan ka soo baxay maamulka Qaahira ayaa lagu qoray maanta wargeyska dowlada.

Cidii lagu helo danbiga Internetka ayaa waxay muteysan doontaa xarig ugu yaraan 5 sano ah ama in lagu ganaaxo lacag dhan ($560 and $1.1m) oo dolar ka mareykanka.

Faallooyin