Qaadi Ahmed Muhdhar oo ku dhaliilay dowlada kenya in ay shaaciso maalinta ay ku beegan tahay Ciida

Qaadiga muslimiinta kenya Kadhi Ahmed Muhdhar ayaa ku dhaleeceyay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Fred Matiang’i ku dhawaaqida in maalinta talaadada ee iida carafo ay noqon doonto fasax qaran.


Mr Muhdhar ayaa sheegay in shaacinta ciida ay tahay la tashi la,aan uu sameeyay wasiirka,ayna maalinta ciida tahay maalinta arbacada oo taariikhda ku beegan tahay 22 bisha August.


Waxaa uu sheegay in uu u qoray fariin ah in maalinta ciida ay tahay arbacada balse Matiang’i uu ku beegay maalinta talaadada.


Si kastaba ha ahaatee muslimiinta kenya ayaa waxay isku diyaarinayaan maalinta talaadada ah dabaal dega ciida carafo.


Balse qaadiga kenya ayaa waxa uu sheegay in kuwa tukanaya talaadada ay raaceen waqtiga sacuudiga balse aysan la socon taariikhda bisha muslimka ee gudaha.

Faallooyin