Wafdi ka socda Beesha caalamka oo gaaray Garowe iyo Madaxweyne Gaas oo soo dhaweeyay

Wararka aan ka helayno Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay gaareen Wafdi ka socda Beesha caalamka si ay goobjoog u ahaadaan Heshiis maanta ay wada gaarayaan Puntland iyo Dowladda federalka Somaliya.

Wafdigan ayaa waxaa Hogaaminaayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay arimaha Somaliya, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland.

Xubnaha Wafdigan ayaa kala ah Ergayga qaramada mdidoobay ee Somalia, safiirka Midowga yurub, Safiirka talyaaniga, xoghayaha guud ee IGAD iyo wasiirka arimaha dibada Ethiopia.

C/wali Gaas iyo Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa soo dhaweeyay, iyadoo intaasi kadib loo galbiyay Madaxtooyada Garowe.

Puntland ayaa la sheegayaa inay aqbashay nidaamka 4.5, balse ay jirto Heshiis ay la gaartay Dowladda, heshiiskaasi saxiixisa ayeey goobjoog u ahaan doonaan xubnahan ka socda Beesha caalamka ee maanta gaaray Garowe.

Faallooyin