Booliska Canada oo xiray lix dhalinyaro Somali ah

Booliska dalka Canada ayaa lagu soo waramayaa in Magaalada Toronto ay ku xireen dhalinyaro Somali ah

Dhalinyaradan oo tiradooda ay gaareyso lix dhalinyaro ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada ay uga shakiyeen haysashada hub sharcidaro ah.

Booliska ayaa gudaha u galay guri ay ku sugnaayeen dhalinyarada waxaana suuragashay in gacanta lagu soo dhigo, iyadoo uusan dhicin falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

“Booliska magaalada ayaa galay guri waxa ay ka soo qabteen 6 dhalinyro ah, waa wax fiican in ammaanka la sugo, bale hawlgaldan waxay u muuqdaan in keliya lagu beegsanayo dhalinyarada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Sadiiq Cali Xaashi oo ka mid ah dhalinyarada ku nool dalka Canada.

Saraakiil u hadashay Booliska Canada ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaan ku sameyn doonaan dhalinyaradan, hadii dambi ay yeeshaana la horgeyn doono sharciga.

Duqa Magaalada Toronto ayaa waxa uu sheegay habeenkii in ciidamo dheeraad ah la geyn doono xaafadaha magaalada, si loo yareeyo falalka ammaanka ka baxsan ee mararka qaar dhaca.

Faallooyin