Wakiilka Midowga Afrika Somaliya oo sheegay Amisom inay bilowday ka guurista Stadio Muqdisho

Wakiilka gaarka ah ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  sidoo kalena ah Madaxa hawlgalka Amisom ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay billaabeen ka bixitaanka Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Ambassador Madeira oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in uu la kulmay Andrew Alele oo ah Injineer islamarkaana uu la socodsiiyay horumarka laga sameeyay ka bixitaanka Garoonka Stadium Muqdisho.

Mr Madeira, waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Garoonka Stadium Muqdisho uu dib ugu laabto gacanta shacabka Soomaaliyeed islamarkaana shaqooyinkii lagu qaban jiray uu billaabo.

Waxaa uu xusay in qorshahan uu qayb ka yahay howlaha kala guurka ah ee Amisom ee Soomaaliya.

Ciidamada Amisom ayaa degganaa Garoonka Stadium Muqdisho muddo ka badan 11 Sano,waxaana ay kala wareegeen Ciidamada Itoobiya ee Sanadkii 2007-dii galay Garoonkaas.

Amisom ka bixista Garoonka Stadio Muqdisho waxa ay bilowday shalay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si toos ah uga wada guuraan xaruntaasi.

Faallooyin