Madaxda Dowlad Goboleedyada oo SHirkoodii 3aad ku yeelanaya Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo xarun Kumeel gaar u ah Maamulka Jubaland, Waxaa bilowga bisha soo socoto ee September ka furmaya shirkii 3-aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboledyada, C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray warqada Casuumaada ah ee uu udiray Madaxweynayaasha Maamulada; Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubaland.

Shirka oo socon doono Lix maalin, ayaa si rasmi ah ufurmayo Lixda Bisha sagaalaad, isagoo la soo xirayo Sagaalka isla Bishaas.

" Ajendaha Shirka, waxaa soo diyaarinaya Xogheynta, Sidaasi daraadeed waxaan si xushmad leh idinkaga codsanayaa inaad ka soo qeybgashaan" ayaa lagu yiri Warqada Casuumaada ee uu soo diray Madaxweyne Gaas.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa shirkoodan Saddexaad uga tashanaya Danaha Dowlad Goboleedyada iyo Guud ahaan Kuwa Qaranka.

Shirkii ugu danbeeyay ee Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa 14-Kii May  Sanadan lagu qabtay Magaalada Baydhabo, Waxaana koodii uhoreeyayna Kismaayo ka dhacay 8-October, Sanadii 2017. 

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/08/

Faallooyin