Jubaland oo si kulul uga hadashay hadalkii Faarax Macalin ee ahaa in Kenya dhaqaale siiso Jubaland.

Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa jawaab kulul ka bixisey hadal dhawaan ka soo yeeray gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Mudane faarax Maacalin Dawaara kaas oo ku aadana in dowladda Jubbaaland ay ka hesho Kenya hal malyan iyo bar doolarka mareykanka ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee dolad goboleedka Jubbaaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa si wada jir ah u qabtay Shir jaraa`id kaas oo ay ku beeniyay hadalka ka soo yeeray guddoomiyii hore ee Baarlamaanka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Jubbaland Cabdirashiid Jirre qalinle ayaa shegay in hadalkaasi uu yahay mid been abuur ah, Waxaa kale oo intaas uu ku daray in Faarah Macalin Dawaara uu yahay nin kenyaan ah oo loo bahan yahay in uu ka shaqeeyo danaha dalkiisa ee uusan ku mashquulin Arimaha gudaha Soomaaliya ,Qaasatan Dowllad Goboleedka Jubbaland oo ka midda Meellaha hadda dalka ugu Amniga badan .

Si Kastaba, Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda Golaha Baarlamaanka Dalka Kenya Farax  Macallin ayaa Shalay sheegay in Dowladda Kenya ay bil kasta dhaqaale siiso Maamulka Jubaland una dheertahay Ciidamo ka socda dowladda Federaalka ah,Burundi,Ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya.

Dhaqaalahaas, waxa uu ku sheegay iney tahay $1.5 Milyan oo bil kasta Mushaar ahaan loogu talagalay Ciidamada Maamulka Jubaland.

Waxaa uu sheegay in Jubaland ay leedahay 7,000 oo Askari,sidoo kalena ay Jubaland joogaan 4,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,waxaa intaas dheer 5,500 oo Askari oo Kenyaan ah, 3,000 oo Itoobiyaan ah iyo 1,000 Askari oo Burundi ah.

Waxaa uu is weydiiyay sababta ay uga adkaan la’yihiin Ciidanka tiradaas la eg 1,500 xubnood oo u dagaallanta Al-shabaab.

Faallooyin