Wasaarada Maaliyada Somaliya oo magacawday Maamulaha cusub ee Kastamka Canshuuraha dekeda Muqdisho.

Wareegto ka soo baxday Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa lagu magacaabay Maamulaha Kumeel gaarka ah ee Kastamka Canshuuraha Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Xilkan, waxaa hore uhayay Axmed C/llaahi Samoow oo ku xiran xarunta danbi baarista ee C.ID, Kadib markii lagu soo eedeeyaya Musuq maasuq, waxaa Samoow la xiran kuixgeenkiisa oo ah qof Haweeney ah iyo 8 qof oo kale oo shaqaalaha Kastamka Canshuuraha ah.

Kusimaha Wasiirka Maaliyada Somaliya, ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradaas Xayir ayaa isla maantaba xafiiskiisa ku dhaariyay Xasan C/casiis Axmed oo loo yaqaano (Baashe), oo ah Masuulka cusub ee Furdada Canshuuraha Dekeda Muqdisho.

Si Kastaba, Hay’adaha garsoorka dalka ayaa wada baaritaanada la xiriirta eedaha loo heyso Saraakiisha Gelinkii dnabe ee shalay ilaa xalay la xiray, Waxaana sidoo kale jira dad loo jaray warqada lagu soo xirayo, balse wali gacanta laamaha amniga aaney soo gelin.

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/08/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/08/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/08/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/08/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/08/

Faallooyin