Somaliya oo gashay xiisad siyaasadeed oo hor leh

Markii labaad muddo toddobaad gudhiis ah ayuu buuq iyo fowdo hareeyay kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyaga oo ku lala qaybsamay qorshe ay riixeyso Dowladda Federaalka, laguna doonayo in wax bedel lagu sameeyo cutubyada qaar ee Dastuurka KMG.
In xiisad cusub oo siyaasadeed ay soo fool leedahay ayaa dalka laga dareemay, ka dib markii Arbacadii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la horgeeyay soo jeedin la xiriirta in wax ka bedel lagu sameeyo shan cutub oo Dastuurka Qabyo Qoraalka, si ay u ansixiyaan in wax ka bedel lagu samayn karo cutubyadaas oo kala ah 5,6,7,8 iyo 9aad ee Dastuurka.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tallaabadan qaadday, ka hor shirka loo ballansan yahay ee Beesha Caalamka ay taageertay ee in heshiis laga gaaro khilaafka muddada dheer ka taagan nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto ee lagu wado inuu shirkaasi ka dhaco Magaalada Muqdisho.
Villa Somalia way ogtahay xasaasiyadda ay leedahay arrintan, marka aad dib u milicsato in aan weli xal laga gaarin khilaafkii hore ee ka dhashay wax bedelka bishii March ee sanadkii 2024 lagu sameeyo afar ka mid ah 15-ka cutub ee uu ka kooban yahay Dastuurka Dowladda Federaalka.
Khilaafka arrimaha masiiriga ah ee Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland ayaa salka ku haya wax ka bedelka sanadkii 2024 lagu sameeyay cutubyada hore ee Dastuurka Qaranka, sababtu tahay cutubka 4aad oo kale ayaa ogolanaya in sanadkan dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, iyadoona mucaaradku ay gebi ahaanba ka soo horjeedaan habka ay dowladdu u diyaarineyso doorashadan, iyadoo aanu heshiis jirin.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku dhawaad labadii sano ee u dambeysay ka biyo diidanaa dhabaha ay Dowladda Federaalka u mareyso wax ka bedelka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliya, waxayna tani keeni kartaa in aan horumar laga samayn wada hadalada soo socda ee labada dhinac ay ku yeelanayaan Muqdisho.
Dowladda uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo ayuu cadaadis xoog leh ka haystaa Beesha Caalamka, oo keliya taageeri doonto in dalka laga qabto doorasho loo dhan yahay. Beesha Caalamka oo u aragto in ay waqti badan gelisay xoojinta Dowladnimada Somaliya ayaa Villa Somalia culeys ku saareysa in ay ogolaato in dalka ay ka qabsoomto doorasho heshiis lagu yahay oo xor iyo xalaal ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa cad in dowladdiisu ay weli ku dhegan tahay in dalka laga qaban karo doorasho dadweyne, laakiin ay dad badani arki karaan in waddadeeda ay qodxo badan yaallaan.
Arrintan hadda ka taagan Baarlamaanka ayaa kala qaybsanaan ka dhex dhalisay Xildhibaanada, kuwo taageersan ajandaha loogu gogol xaarayo wax ka bedelka dastuurka iyo kuwo kale oo diidan, isla-markaana ku andacoonaya inaanan hadda doodo laga geli karin wax habraac ah oo lagu dhameystirayo wax ka bedelka iyo dib-u-eegista Dastuurka KMG, maadaama la joogo xilligii fasaxa ee Xildhibaanada, isla-markaana uu geba-gabo ku dhow yahay waqtigii sharci ahaa ee Baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa u baahan ugu yaraan laba bilood oo ay ku ansixi karaan shanta cutub ee la doonayo in wax ka bedelka lagu sameeyo, bacdamaa ay jiitami doonto doodaha ay ka yeelanayaan, ka hor inta aysan meelmarin cutubyadaasi.
Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya ayaa marar badan Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu iska indha tirayo xaqiiqda jirta. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa loolan weyn oo siyaasadeed kala kulmaya mucaaradka saamaynta leh ee ka soo horjeeda siyaasadda uu dalka ku maamulayo, oo caqabadda ugu weyna ay tahay wadatashi la'aantooda.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore ee 2025 sameystay gole ay ku mideysan yihiin, oo ay ugu magacaabeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Isbahaysigan siyaasadeed ayaa laga cabsi qabaa in dhinacooda ay kaga dhawaaqaan inay dalka ka qabanayaan doorasho liddi ku ah midda ay ka shaqeynayso Villa Somalia, taasoo dalka gelin doonta kala qaybsanaan weyn oo siyaasadeed.
Muddada kooban ee ka harsan muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ee dowladda, doorashada aan heshiiska lagu ahayn iyo mugdiga ku gadaaman natiijada shirka Muqdisho ayaa waxay waddo u furi kartaa in dowladda haatan dalka ka jirtaa ay sameyso muddo kororsi, tani oo hubinti la'aan ka dhigi doonto in si nabad ah hoggaanka loola kala wareego, marka la gaaro 15-ka bisha May.


