Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay Anita Kiki Gbeho

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ee Xafiiska Qaramada Midoobey u Qaabilsan Kaalmeynta Somaliya, Anita Kiki Gbeho.

Labada dhinac ayaa si dhow uga wada hadlay shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ee bishii hore lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Baydhabo, garwadeenkana uu ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in haweeneydan ay sheegtay in Xafiiska UNSOM uu ka go'an yahay kaalmo kasta, oo ku aaddan dib-u-heshiisiinta dalka, taageerada Baarlamaanka Federaalka iyo sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda Shaqaalaha & Mudaneyaasha Golaha Shacabka.

"Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Marwo Anita Kiki Gbeho uga mahadceliyay ayaa xusay, sida UNSOM ay qayb uga qaadatay taageerada shirkii dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed, oo guul ku soo dhaamaday ayuu ku bogaadiyay dadaalada Beesha Caalamka ay ku dooneyso hannaanka geeddi-socodka nabadda iyo xasilloonida dalka." Ayaa lagu yiri qoraalka.