Hawlgal wadajir ah oo laga sameeyay deegaanka Yaaqdabeyl ee Gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab oo xagga cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Yaaqdabeyl ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Ururka 162aad ee Kumaandooska Danab ayaa Arbacadan la sheegay inay gudaha u galeen deegaankaasi oo qiyaastii 60km dhanka galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay halkaasi ku dileen xubno ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska Ciidanka Danab ayaa mar dambe war qoraal ah ku sheegay in hawlgalka lagu dilay sideed xubood oo ka tirsanaa maleeshiyadaasi, halka xubin kale nolol lagu qabtay.

"Hawlgalkan ayaa lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, halka hal xubin oo kale nolol lagu qabtay, ka dib hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Danab iyo saaxiibada caalamiga ah." Ayaa lagu yiri warka.

Bogga Ciidanka Danab ayaa lagu baahiyay sawirrada xubnaha Al Shabaab ee la sheegay in lagu dilay hawlgalkaasi.

"Ciidanka Kumaandooska Danab waxay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka." Ayaa lagu yiri warka Danab.

Deegaanka Yaaqdabeyl ayaa ka mid ah deegaanada miyiga ee hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waana deegaan leh hawd lagu dhuumaaleysan karo.