Pakistan iyo India oo gaaray heshiis xabad joojin ah

Dowladaha India iyo Pakistan ayaa ku heshiiyay xabad joojin degdeg ah, ka dib dhowr cisho oo ay taagneyd xiisad si weyn looga dareemay labada dal iyo xitaa meelaha ka baxsan xuduudahooda.

Labada dowladood ayaa qaatay xabad joojintan oo lagu soo afjarayo kororka xiisadda militari ee tan iyo Arbacadii u dhaxeysay militariga labadaasi dal.

India iyo Pakistan ayaa si isku mid ah u xaqiijiyay in ay ku heshiiyeen xabad joojin degdeg ah, taas oo hoos loogu dhigayo xiisadda labada dal.

Beesha Caalamka iyo dowladaha saamaynta ku dhex leh dalalkaasi ayaa ka shaqeeyay xabad joojintan, si looga baaqsado dagaal aan waxba la isku reeban oo dhex mara Pakistan iyo India.

Raysal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa xaqiijiyay in daraasiin dowladood ay si firfircoon uga qayb qaateen dadaalo diblomaasiyadeed oo keentay in heshiiskan la gaaro.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa qoraal ku sheegay in Islamabad iyo Delhi ay ku heshiiyeen xabad joojin buuxda.

Trump ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreyay ee shaaciyo inuu soo dhaweynayo heshiiska xabad joojinta ee dalalka deriska ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa loo tixgeliyay in uu yahay diblomaasiga dadaalka ugu badan geliyay in la xaqiijiyo heshiiskan.

Ishaq Dar, Raysal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa u mahadceliyay dhammaanba diblomaasiyiintii gacanta ka gaysatay heshiiskan, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Dalalkan ku hubeysan hubka wax gumaada ee nuclear-ka ayaa ku sigtay isku dhac ballaaran, ka dib markii India ay waaberigii hore ee Arbacadii weerartay dhulka ay Pakistan ka maamusho Gobolka Kashmir iyo weliba gudaha Pakistan.

Pakistan ayaa qaadday tallaabooyin u muuqday mid ay kaga aargudaneyso weerarkaasi, waxaana maalmihii la soo dhaafay jiray weerar iyo weerar celin ay sameynayeen labada ciidan, inkastoo haddana ay ka fogaanayeen in xaaladdu ay gaarto heer aan la xakameyn karin.

Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif ayaa Ciidamada Militariga ku ammaanay in ay muujiyeen qabka qarankooda iyo inaanu ahayn mid lagu soo xadgudbi karo.

Dhanka kale Maamulada Garoomada Diyaaradaha ee Pakistan ayaa sheegay in la furay hawada dalkaasi, diyaaradaha ay saameysay xiisaddana ay dib u hawl bilaabi karaan.

India ayaa sidoo kale dhankeeda la filayaa in ay soo celiso duulimaadyadii rakaabka ee hakaday maalmihii ay xiisaddu jirtay.

India iyo Pakistan ayaa waxaa ka bilowday dabaal-degyo ay shacabku ku soo dhaweynayaan guulaha ay horey dhinacyadu u kala sheegteen iyo weliba heshiiska xabad joojinta ee la gaaray.