Weerar Xuutiyiinta ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Riyadh oo sababay dhimashada 12 qof

Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, 309 kalena ay ku dhaawacmeen weerar gantaal oo Xuutiyiinta Yemen ay gelinkii dambe ee Sabtidii ka gaysteen Garoonka Diyaaradaha Boqor Khaalid (King Khalid) ee Magaalada Riyadh.

Gantaalka ayaa ku dhacay agagaarka dhismaha loogu talagalay rakaabka ee Terminal 3 & 4, oo qayb ahaan uu saqafku soo dumay.

Hay'adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga (GACA) ayaa xaqiijisay dhacdadan, waxayna faahfaahin ka bixisay dadka ku dhintay weerarkaasi.

Hay'adda ayaa sheegtay in dadka ku dhintay weerarka ay isugu jiraan afar qof oo u dhashay Sacuudiga, laba u dhalatay Bangladesh iyo min hal qof oo u kala dhashay Mareykanka, Masar, Jordan, Suuriya, Falastiin iyo Suudaan.

Hay'adda ayaa waaberigii Axaddan war ay soo saartay ku sheegtay in 309 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, kuwaas oo qaarkood warka lagu sheegay in xaaladdoodu ay aad u liidato.

Warka ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka dhaawacmay ay isbitaalada dalkaasi ku helayaan daryeel caafimaad.

Weerarka ayaa sidoo kale sababay burbur hantiyadeed, kaas oo la sheegay in weli la qiimeynayo. Hay'adda GACA ayaa sheegtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay howlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Riyadh, ka dib weerarkaasi.

Waa weerarkii saddexaad oo Xuutiyiinta ay ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha King Khalid toddobaadkan. Weerar Khamiistii ka dhacay garoonkaasi ayaa waxaa ku dhintay saddex muwaadin oo Sacuudiyaan ah, sida ay sheegtay GACA.

Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen ayaa weerarkan ugu dambeeyay ku tilmaamay dembi dagaal oo buuxa.

General Turki Al Maliki, Afhayeenka Isbahaysiga Assifat Al-Hazm ayaa ku hanjabay in isbahaysigu uu si adag uga jawaabi doono weerarkan argagixisanimo, iyadoo la raacayo buu yiri xeerarka caalamiga ah.