Qaraxyadii ugu badnaa oo ruxay Caasimadda Yemen ee Sanca

Ciidamada Dowladda Yemen ayaa caawa sheegay inay boqolaal weerar oo xagga cirka ah ka fuliyeen Magaalada Sanca iyo deegaano kale, oo Xoogaga Xuutiyiinta ay gacanta ku hayaan, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Dowladda Yemen ee Sacuudiga uu bari-taaro.
Telefishinka afka Xuutiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in Sacuudiga uu duqayntii ugu xooganeyd ka gaystay Caasimadda Sanca. Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in qaraxyadii ugu badnaa ee hal maalin ay maanta ka dhaceen magaaladaasi. Goobjoogeyaasha ayaa waxay kaloo sheegeen inay arkeen diyaarado dagaal oo gantaalo ku ridaya magaalada.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda Yemen oo lagu magacaabo Korneyl Majed Abdullah Al Nazili ayaa sheegay in 257 hawlgal ay si sax ah ula beegsadeen goobaha, dhaqdhaqaaqyada iyo awoodaha militari ee Xuutiyiinta.
Afhayeenka ayaa sheegay in Militariga Yemen ay adeegsadeen diyaaradaha dagaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaalada la hago iyo madaafiicda qoriga dhuunta dheer ee artillery-ga.
Korneyl Al Nazili ayaa intaasi ku daray in qiyaasaha horudhaca ah ay muujinayaan in hawlgaladaasi lagu dilay ugu yaraan 700 oo ka tirsan Xoogaga Xuutiyiinta, isla-markaana lagu burburiyay bartilmaameedyo militari oo istiraatiiji ah, oo ay ku jiraan buu yiri 170 gaadiidka dagaalka ah iyo qalab culus.
Al Nazili ayaa sheegay in hawlgaladan ay ka fuliyeen Sanca, Midi, Baqim iyo jiidaha hore ee dagaalka ee Al-Jawf, Marib, Al-Bayda iyo Lahij, isla-markaana hawlgalada qaarkood ay diiradda ku saareen aagga Taiz, sida uu yiri.
Dagaal-yahanada Xuutiyiinta ayaa dhankooda sii wada weerarada ay ku hayaan bartilmaameedyada Dowladda Yemen iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Boqortooyada Sacuudiga.
Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay garaaceen xarun shidaal oo Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco ay ku leedahay Magaalada Riyadh.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ku warantay in dab weyn uu ka kacay mid ka mid ah xarumaha Shirkadda Aramco ee Riyadh.
Wakaaladda Wararka AFP ayaa iyana sheegtay in galabnimadii Sabtidan la arkay olol iyo qiiq ka kacaya xarun ay leedahay Shirkadda Aramco oo ku taala koonfurta Riyadh.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in duqaynta ay ka gaysteen gudaha Sacuudiga ay jawaab u tahay boqortooyada oo tobanaan jeer maanta garaacday Sanca.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa muuqaal uu caawa soo duubay ku sheegay in dagaal-yahanadooda ay weerarka u adeegsadeen gantaalo iyo diyaarado drones ah, isagoo intaasi ku daray in uu dab qabsaday xarunta la beegsaday.
Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Sacuudiga ayaan weli ka hadlin weerarka ay Xuutiyiintu ka gaysteen Riyadh.
Xiisadda Xuutiyiinta iyo Sacuudiga ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Xuutiyiinta ay bishii July ku dhawaaqeen go'doomin badeed oo ka dhan ah Dekedaha Sacuudiga.
Colaadda u dhexeyso labada dhinac ayaa sii xoogeysatay, ka gadaal markii Xuutiyiinta ay bishii September isku fidiyeen deegaanada xeebaha galbeed ee Yemen ee ku teedsan Badda Cas, isla-markaana ay la wareegeen gacan ku haynta marin biyoodka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.


