Markab kunteenaro waday oo ku degay Marinka Hormuz, markii uu gantaal ku dhacay

Markabkan oo lagu magacaabo GFS Pride, watayna Calanka Singapore ayaa ku degay marin biyoodka Hormuz, ka dib markii uu gantaal ku dhacay, sida ay Arbacadan xaqiijiyeen hay'adaha amniga badda.

Markabka ayaa weerarka la kulmay, xilli uu ku gooshayay Marinka Hormuz, halkaas oo Iran aysan ogoleyn in ogolaansho la'aanteeda ay maraakiibtu maraan.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Singapore ayaa maanta sheegtay in markabka uu dab qabsaday Talaadadii, ka hor inta aanu degin. Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in dhammaan 21 shaqaale oo markabka saarnaa si badqab leh looga daadgureeyay.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaan ogoleyn in markab aan fasax ka haysan uu maro marinka ugu muhiimsan ee sahayda tamarta adduunka.

Iran ayaa ogol in maraakiibta ganacsiga ay adeegsadaan Hormuz, haddii ay raacayaan habka isku dubaridka Tehran ee habaynta amniga iyo badbaadada, taas oo Mareykanka uu si adag uga horyimid.

Xiisadda Hormuz ayaa cawaaqib ku yeelatay badqabka maraakiibta booyadaha shidaalka, kuwa shixnadaha badeecadaha, qiimaha sicirka saliidda iyo deganaanshaha dhaqaalaha caalamka.

Hormuz ayaa gashay xaalad fowdo iyo hubanti la'aan ah, ka dib duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi Iran.

Marinkan ayaa ah marin badeedka ugu weyn caalamka ee ay adeegsadaan maraakiibta batroolka iyo gaaska. Labaatan boqolkiiba (20%) batroolka iyo gaaska laga isticmaalo dunida ayaa ka gudba marinka ku yaala Bariga Dhexe.