Xuutiyiinta oo burbur weyn u gaystay Xarunta Dhexe ee Saudi Aramco

Waxyeelo ba'an ayaa soo gaartay Xarunta Dhexe Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco, ka dib markii Xuutiyiinta ay xalay weerar ku qaadeen.
Xaruntan oo ku taala Magaalada Dhahran ee Bariga Sacuudiga ayaa waxaa qabsaday dab ku faafay dhowr dabaq, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Reuters.
Wararka ayaa sheegaya in howlihii shaqo ee ka socday xarunta ay sidoodii u socdaan, balse shaqaalaha la faray inay guryahooda ka soo shaqeeyaan.
Xarunta Aramco ee Dhahran waxay kormeertaa dhammaan hawlgalada wax soo-saarka, sifeynta iyo dhoofinta saliidda ee shirkadda adduunka ugu weyn, iyadoo isticmaaleysa teknolojiyad casri ah oo lagu la socdo dhuumaha iyo ceelasha saliidda ee dhulka iyo baddaba ku yaala.
Weerarkan ayaa yimid, ka dib markii isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ay garaaceen goob lagu kaydiyo shidaalka oo ku taala Magaalada Sanca.
Ururka Xuutiyiinta ayaa ka hor weerarkaasi ka digay in la bartilmaameedsado goobaha shidaalka ee Sanca, iyagoo daba jooga digniin uu soo saaray isbahaysiga.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay habeenkii Talaadada gantaal nooca ballaastikada ku dhufteen Xarunta Shirkadda Aramco ee Dhahran, iyadoo laga jawaabayo duqaynta ka dhacday Sanca.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan kaabeyaasha dhaqaalaha iyo militariga ee gudaha Sacuudiga, wuxuuna General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta uu ku hanjabay inay sii socon doonaan weeraradooda, illaa iyo inta uu Sacuudiga ka joojinayo gardarrada uu ku hayo dalkaasi, sida uu yiri.


