Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo booqasho ku jooga Ukraine

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa gaaray Magaalada Kyiv ee dalkaasi Ukraine, halkaas oo kulan uu kula leeyahay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Madaxweynaha Ukraine kala hadlaya, sidii loo kordhin lahaa heshiiska u ogolanaya Ukraine inay dhoofiso wax soosaarkeeda beeraha.

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa bishii July Magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobey, kaasoo Kiev u fasaxayay inay dib u bilowdo dhoofinta qamadiga ee Badda Madow, ka dib markii Ruushku uu go'doomiyay dekedaha dalkaasi. 

Heshiisku waxa uu dhacayaa wax ka yar laba toddobaad, waxaana markii ugu dambeysay la cusbooneysiiyay bishii November. Heshiiskan ayaa Ukraine ka caawiyay inay dibadda u dhoofiso 23 milyan oo tan oo qamadi ah, oo ku xanibnaa dekedaha dalkaasi.

"Mowqifka Qaramada Midoobey oo aan si joogto ah u muujiyay, waa cad yahay, duulaanka Ruushka ee Ukraine waa mid ku xadgudbaya axdiga Qaramada Midoobey iyo xeerarka caalamiga ah." Ayuu yiri António Guterres. 

Guterres oo ka barbar hadlayay Madaxweyne Zelenskyy ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan si qoto dheer garab istaagayga ugu muujiyo dhammaan dhibaneyaasha dagaalka, kuwa kuwii ay jeclaayeen ku waayay iyo kuwii arkay rajadoodii inay burburtay ama ku khasbanaaday inay badbaado raadiyaan."

Moscow ayaa muujisay inay dooneyso in ay xoojiso dhoofinta wax soosaarka beeraheeda, ka hor inta aanay ogolaan dib-u-cusbooneysiinta heshiiskaasi.

Horaan, Madaxa Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in la iibsan karo galeyda Ruushka, isla-markaana cunaqabateynta lagu soo rogay aanay qayb ka ahayn galeyda uu dalkaasi dhoofiyo.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sicir barar xoog leh ku keenay suuqyada caalamiga, ka dib markii laga dareemay in hoos u dhac weyn uu ku yimid saadka cunnada ee dunida, iyadoona uu sare u kacay qiimaha badarka.

Ruushka iyo Ukraine ayaa soosaara soddon boqolkiiba (30%) qamadiga dunida laga isticmaalo, waana labada dal ee Afrika u dhoofiya afartan boqolkiiba (40%) badarka laga isticmaalo. 

Dalalkan ayaa sidoo kale dibadda u iibgeeya waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha.