24 dal oo cambaareeyay weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta Badda Cas

24 dal oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Britain ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee ka dhanka ah maraakiibta ka gudbeysa Badda Cas.

Bayaankan ayaa waxaa si wadajira ah u soo saaray dalalka Albania, Australia, Bahrain, Canada, Croatia, Czech Republic, Denmark, Estonia, Germany, Guinea-Bissau, Hungary, Italy, Kenya, Latvia, Lithuania, Montenegro, Netherlands, New Zealand, North Macedonia, Poland, South Korea, Romania, UK iyo Mareykanka.

"Iyadoo laga jawaabayo weerarada joogtada ah ee sharci darada ah ee Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta isaga gudba Badda Cas iyo marin biyoodyada ku xeeran, Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska, oo taageero ka helaya Australia, Bahrain, Canada, Netherlands iyo New Zealand ayaa qaaday weeraro dheeraad ah. Waxaana la duqeeyay sideed bartilmaameed oo ku yaala deegaanada Xuuthiyiinta Yemen ay maamulaan." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa kaloo bayaanka lagu yiri "Weeraradan waa kuwo looga jawaabayo, laguna wiiqayo awoodda Xuuthiyiinta, si aysan u sii wadin weerarada ka dhanka ah ganacsiga caalamiga ah iyo badmaaxiinta aan waxba galabsan ee ka kala imaanaya adduunka oo dhan." 

Xulafada ayaa sheegaya in Xuuthiyiinta oo Iran ay taageerto ay caqabad ku yihiin isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa mar sii horreysay sheegay in habeen hore ay mar kale duqayn wadajir ah ka fuliyeen bartilmaameedyada Xuuthiyiinta, isla-markaana ay garaaceen illaa sideed goobood.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa wacad ku maray inay ka aargudan doonaan labadaasi dal.

"Weeraradani ma noqon doonaan kuwo aan ciqaab la'aan." Ayuu yiri Afhayeenka oo ku goodiyay inaanay gacmaha ka laaban doonin gardarada lagu hayo dalkooda.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda maraakiibta u socda Israel ay kaga gol leeyihiin in ay Israel ku cadaadiyaan, si ay u joojiso weerarada ay ku leynayso dadka reer Gaza.

Xiisadda ka taagan Badda Cas ayaa waxaa muuqata inay aad uga sii dareyso.