Aqalka Sare oo meelmariyay Sharciga La dagaalanka Argagixisada

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta meelmariyay Sharciga La dagaalanka Argagixisada, oo Arbacadii uu ansixiyay Golaha Shacabka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa oo golahaasi hortagay ayaa ka codsaday inay ansixiyaan.

Xagaa ayaa sheegay in sharcigan uu ahmiyad weyn u leeyahay dalka, ayna tahay inay ansixiyaan, si aanu guul uga gaarno buu yiri dagaalka Khawaarijta.

Senatorada Aqalka Sare ayaa markii dambe qaab gacantaag ah ku meelmariyay sharcigan.

Sharcigan ayaa hadda u gudbi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u saxiixo, dhaqangalna uu u noqdo.

Sharciga La dagaalanka Argagixisada ayaa muddo dheer horyaalay Baarlamaanka Federaalka, iyadoona Golaha Shacabku uu in badan dib ugu celiyay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wax badan ka bedeshay sharcigan, taas oo markii dambe fududeysay in Golaha Shacabka uu ka soo gudbo.