Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dib dhowr jeer oo dib-u-dhac ah.

Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur, iyadoona ay halkaasi ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada & Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ka dib loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug, isagoona maalmaha soo socda sii joogi doona Dhuusamareeb, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

"Safarka Raysal Wasaare Xamse ayaa daaran xoojinta dowlad-dhiska , isaga oo inta uu joogo Magaalada Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona Hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada." Ayaa lagu yiri warka.

Safarka Raysal Wasaare Barre ee Dhuusamareeb ayaa imanaya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Galmudug ee la xiriira hannaanka Maamulka iyo Doorashooyinka Galmudug.