Ammaanka Magaalada Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa s weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo, xilli magaaladaasi ay shir ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Ciidamo fara-badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada qaybtood ayaa xadiday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sugaya amniga goobta lagu qabanayo shirkaasi.

Baydhabo waxaa ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Madaxweynaha martida loo yahay waa Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaan weli gaarin magaaladaasi.