Baqdin maanta ka taagan Magaalada Nairobi

Xaalad baqdin ah ayaa la soo deristay shacabka ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya, ka dib markii Isbahaysiga Mucaaradka ay iclaamiyeen in Isniintan ay bannaabax ballaaran ka dhigayaan magaaladaasi.

Mucaaradka ayaa taageereyaashooda ugu baaqay in ay maanta isugu soo baxaan bartamaha magaalada, iyagoo ka cabanaya doorashadii madaxtinimada dalkaasi ee sanadkii hore lagu soo doortay Madaxweyne William Ruto, oo ay u arkaan mid lagu shubtay iyo inay doonayaan in ay ka dhiidhiyaan sicir bararka ka jira dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa shaci-darro ku tilmaamtay dibadbaxan ay ku baaqeen Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Taliyaha Booliska Nairobi, Adamson Bungei ayaa sheegay in uu Sabtidii soo gaaray codsi looga dalbanayo bannaanbaxaasi, hase yeeshee aanu waafaqsanayn habraacyada uga yaala dibadbaxyada.

"Waxay ahayd in saddex maalmood ka hor la ina soo ogeysiiyo bannaanbaxa, annagana waxaa codsigaasi helnay gelinkii dambe ee Sabtidii. Marka aad ayuu uga daahay, mana waafaqsana saddexda maalmood ee ogeysiinta looga baahan yahay ee isu soo baxa dadweynaha." Ayuu yiri Taliyaha oo Axaddii shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda Nairobi.

Mucaaradka ayaase u muuqda kuwa ku adkeysanaya go'aankooda ay ku doonayaan in ay dibadbaxaasi kaga dhigaan Magaalada Nairobi.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaalada, iyagoona u diyaarsan in ay ka hortaggaan bannaanbaxaasi.

Waxaa la xiray goobaha waxbarashada, shacabka ayaana la faray inaanay ka qayb qaadan bannaanbaxaasi.

Dadka reer Nairobi ayaa ka baqdin qaba in isku dhacyo ay ka dhacaan magaaladaasi.