Agaasimaha CIA-da oo ku biiraya wada hadalo lagu doonayo in lagu siiyo Israeliyiinta

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, William Burns ayaa lagu wadaa in uu ku biiro dadaalada socda ee la doonayo in lagu sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Agaasimaha CIA-da uu ka qayb qaadan doono wada hadalo uu heerkeedu sarreyo, oo u dhaxeeya Mareykanka, Qatar, Masar iyo Israel.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wada hadalada ay suurtagal tahay in lagu gaaro wareeg kale oo maxaabiis is dhaafsi ah.

Mareykanka ayaa Israel ku cadaadinaya in ay aqbasho wax kasta oo fududeyn kara in la sii daayo dadkii ay Xoogaga Xamaas ku soo qafaasheen weerarkii ay 7-dii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho. La haysteyaasha ayaa qaarkood haysta laba dhalasho.

Xamaas iyo Israel ayaa daba-yaaqadii bishii November gaaray heshiis maxaabiis is dhaafsi ah. Xamaas ayaa xilligaasi xabsiga ka sii deysay 80 qof oo Israeliyiin ah, halka Israel ay dhankeeda sii deysay 210 qof oo Falastiiniyiin ah.

Waxaa xusid mudan in Xamaas ay xabsiga ka sii deysay tobanaan kale oo ajaaniib ah, oo ay ku soo qafaalatay weerarkii 7-dii October, balse sii deynta dadkaasi ayaan qayb ka ahayn heshiiskii labada dhinac.

Xoogaga Falastiiniyiinta ayaa la aaminsan yahay in ay Marinka Gaza ku hayaan qiyaastii 130 qof oo Israeliyiin ah.

Aqalka Cad ayaa hadda gadaal ka riixaya in la gaaro heshiis la isku weydaarsanayo maxaabiista iyo in la hakiyo dagaalka Gaza.

Agaasimaha CIA-da iyo Madaxa Hay'adda Sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea ayaa maalmaha soo socda Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani kula kulmi doona meel ka mid ah Yurub, si wada hadalada sii loo ambaqaado.

Qatar waxaa lagu tilmaamaa dalka ugu muhiimsan ee ay wax ka dhageystaan Hoggaamiyeyaasha Xamaas, marka ay noqoto dhanka siyaasadda.