Askarigii Mareykanka ee isku hor gubay Safaaradda Israel oo geeriyooday

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in askarigii ka tirsanaa Ciidanka Cirka Mareykanka ee isku hor gubay Safaaradda Israel ee Magaalada Washington uu geeriyooday.

Aaron Bushnell ayaa Axaddii isku hor gubay afaafka hore ee Xarunta Safaaradda Israel ee dalkaasi Mareykanka.

Askarigan oo 25 jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray dabkaasi, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Ka hor inta aan isbitaalka lagu la cararin ayuu sheegay in uusan qayb ka noqon doonin xasuuqa ka socda Marinka Gaza, waxaana uu ku baaqay isu soo bax weyn oo ka dhan ah duulaanka Israel ee Gaza.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in askariga si toos ah looga daawanayay barraha bulshada, ka hor inta uusan isku shubin walax dareere ah, dabna is qabadsiinin.

Ka hor inta aan muuqaalka laga saarin bartii uu ku lahaa Twitch ayuu ka soo muuqday, isaga oo ku qaylinaya 'Falastiin ha xorowdo'.

Taliska Ciidanka Cirka oo sidoo kale xaqiijiyay geerida askarigaasi ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in geeridiisa lagu wargeliyay qoyskiisa.

Dhacdadan ayaa Aqalka Cad ku kordhineysa cadaadiska gudaha ee lagu dalbanayo in si degdeg ah loo joojiyo weerarada arxan-darrada ah ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Gaza.

Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee taageera Israel ayaa dhalleeceen xoog leh kala kulmay gudaha, marka aad eegto in taageeradiisa militari ay Israel u adeegsaneyso gumaadka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka ayay dadku ka sameynayaan dibadbaxyo ay ku diidan yihiin waxa ka socda Marinka Gaza.