Australia, Canada iyo New Zealand oo qaadacay duulaanka Israel ee Rafah

Dowladaha Australia, Canada iyo New Zealand ayaa noqday dowladihii ugu dambeeyay ee ka soo horjeesta duulaanka ay Israel damacsan tahay in ciidamadeeda ay ka bilaabaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, Raysal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau iyo Raysal Wasaaraha New Zealand, Christopher Luxon ayaa bayaan ay si wadajira u soo saareen ku sheegay in hawlgalka dhinaca dhulka ee Rafah uu doono mid masiibo ah.

"Xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza markii horeba aad bay u liidatay. Saamaynta hawlgalka la ballaarinayo uu ku yeelanayo shacabka Falastiiniyiinta waa mid ba'an." Ayay ku sheegeen bayaankooda.

Waxay ugu baaqeen Israel inaanay ku dhiiran duulaanka Rafah, bacdamaa ay Rafah tahay goobtii ugu dambeysay oo ay gabaadsanayaan 1.4 milyan oo barakacayaal ah.

"Waxaan ku boorinaynaa Dowladda Israel in aanay marin jidkan. Ma jirto meel kale oo ay dadka rayidka ah aadi karaan." Ayaa lagu yiri bayaanka ay sida wadajirka ah u soo saareen madaxda dalalkaasi.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa ka digay weerarka Israel ee Rafah in uu noqon doono masiibo halis ah.

Tedros Ghebreyesus ayaa Israel ka codsaday inay ka laabato barnaamijkeeda militari ee ay hawlgalka dhinaca dhulka ah uga bilaabeyso deegaankaasi.

"Cawaaqibka uu duulaanka gaysan doono uma malaynayo xitaa in cadaabta lagu sifeyn karo. Waxaan ka codsanaya Israel inaysan tan samayn." Ayuu yiri Ghebreyesus.

Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Falastiiniyiinta, Rik Peeperkorn ayaa isna sheegay in weerar militari oo Israel ay ku qaaddo Rafah uu sababi doono masiibo buu yiri aan la qiyaasi karin.

"Waxayna xitaa keeni doontaa masiibo ka baxsan qiyaasaha bani'aadanka." Ayuu yiri Rik Peeperkorn oo caalamka ka dalbaday in laga hortaggo duulaanka Israel ee ka dhanka ah Rafah.

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay weerarada joogtada ah ee Israel ku hayso Marinka Gaza ayaa kor u dhaaftay 28,576 oo qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, iyadoona tirada dadka dhaawacmay ku sheegtay 68,291 qof.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Isniintii kalsooni u muujiyay tirooyinka dhimashada ee ay shaaciso wasaaradda, ka dib markii uu sheegay in weerarada Israel ay ku dhinteen in ka badan 27,000 oo qof.

Hoggaamiyeyaasha caalamka oo ay ugu horreyaan kuwa reer galbeedka ayaa si adag uga horyimid duulaankan, inkastoo Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel uu ku adkeysanayo in hawlgalka laga bilaabi doono Rafah.