Baqdin badan oo ka jirta Rafah, xilli Ciidamada Israel isku diyaarinayaan inay weeraraan

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale sheegay in uu Taliska Militariga ku amray in loo diyaargaroobo weerarka dhinaca dhulka ah ee lagu qaadayo deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in halkaasi ay ka sifeynayaan waxa uu ku sheegay argagixisada Xamaas, waana xilli ay ku barakaceen dad lagu qiyaasay in ka badan hal milyan oo qof, iyaga oo markaasi raacaya awaamiirta Israel ee ah in dadku ay halkaasi taggaan.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa kordhiyay weerarada xagga cirka ah ee ay ka gaysanayaan Rafah, taas oo baqdinta ku kordhisay dadkii rayidka ahaa ee halkaasi gabaadka ka dhiganayay.

Iyadoo in ku dhow hal milyan iyo bar oo Falastiiniyiin ah ay ku sugan yihiin Rafah, waxaa jirta cabsi laga qabo in duulaanka qorsheysan ee Israel ay ku qaadayso dhulka ciriiriga ah uu cawaaqib xun ku yeelan doono dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Qaramada Midoobay iyo dalal badan oo ay ku jiraan xulafada Israel ayaa muujiyay, sida ay uga soo horjeedaan weerarka Rafah.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa dhegaha ka fureystay baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaanay ciidamadiisa weerarin Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar.

Mareykanka ayaa mar sii horreysay Netanyahu ku booriyay in laga baaqsado duulaanka Rafah, si looga hortaggo masiibo halkaasi ka dhacda.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka rayidka ah looga daba taggo halkii lagu amray inay taggaan.

Alexandria Ocasio-Cortez oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay in duulaanka Rafah uu sababi doono masiibo bani'aadantinimo.

"Ma jirto meel kale oo dadka reer Gaza ay aadaan. Sifeynta Rafah maaha dagaal, ma aha difaac, waa weerar toos ah oo lagu qaaday dadka aan waxba galabsan." Ayay tiri Alexandria Ocasio-Cortez.

Waxa kaloo ay tiri "Tani waa waqtigii uu Mareykanku wax ka qaban lahaa, waana in aan ka hortagnaa masiibo bani'aadantinimo."

Senator-ka Mareykanka ee Bernie Sanders ayaa ka horyimid in Congress-ka uu ka fekero in 14 bilyan oo dollar oo taageero militari ah loo diro Israel, xilli ay isku diyaarineyso buu yiri inay weerar ku qaaddo Rafah. 

"Congress-ka Mareykanka ma wuxuu rabaa in uu siiyo gargaar militari oo dheeraad ah Netanyahu, si uu u baabi'iyo kumanaan rag, haween iyo carruur kale?" Ayuu yiri Bernie Sanders oo hadalo adag ka horjeediyay Senate-ka Mareykanka.

"Waa wax aan la rumeysan karin in Mareykanka uu qorsheynayo in kaalmo militari oo dheeraad ah la siiyo Xukuumadda Netanyahu, marka loo eego dhimashada iyo burburka weyn ee Gaza." Ayuu yiri Sanders.

Sanders ayaa sidoo kale yiri "Runtii ma waxaan rabnaa inaan abaal marino Netanyahu, xitaa isagoo iska indha tiraya wax walba oo Madaxweynaha Mareykanka uu ka codsanayo inuu sameeyo?".

Sanders ayaa ku baaqaya inaanan wax taageero militari loo dirin Israel, inta ay jirto baqdinta laga qabo masiibo bani'aadantinimo oo ka dhacda cirifka koonfureed ee Gaza.

Falastiiniyiinta laga soo barakaciyay guryahooda oo dulsaar ku ah Rafah ayaa halkaasi ka sameystay guryo ka sameysan teendhooyin iyo cooshado. Rafah ayaana ah meesha keliya ee Gaza uu ka soo galo gargaarka la gaarsiinayo dadka rayidka ah.

Ka hor duulaanka Israel ee Gaza ayaa waxaa Rafah ku noollaa nus malyuun qof, maantana waxaa ku nool in ku dhow lix laab.