Barakac ballaaran oo ka bilowday deegaanka Rafah ee Marinka Gaza

Qiyaastii 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo horey loogu khasbay in ay u barakacaan deegaanka Rafah ayaa hadda bilaabay in ay dib uga barakacaan, ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay hawlgalo dhinaca dhulka ah ka samayn doonaan deegaankaasi.

Dadkan oo muddooyinkii ugu dambeysay gabaadsanayay Rafah ayaa waxay u baracayaan goobaha ay malayn karaan inay ku nabad geli doonaan, waana xilli aysan Gaza ka jirin meel nabdoon, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Qaar badan oo ka mid barakacayaasha ayaa ku noollaa xeryo qaxooti oo Qaramada Midoobey ay ka hirgelisay Rafah iyo guryo ka sameysan teendhooyin & cooshado.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Rafah ka wada duqaymo loo fasirtay in ay bilow u yihiin duulaanka xagga dhulka ee ku wajahan dhulka ciriiriga ah, waxayna duqaymahan uga sii darayn xaaladdii adkeyd ee nololeed ee ka jirtay dhulkaasi.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarin ayaa Israel ku eedeeyay in ay argagax-gelin ka waddo cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Agaasimaha Hay'adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Falastiiniyiinta, Matthew Hollingworth ayaa walaac ka muujiyay barakicinta khasabka ah ee ka socota Rafah.

"Qoysaska ayaa mar kale guuraya, markan waxaa laga barakacaya Rafah, oo 1.4 milyan oo qof ay u yimaadeen badbaado. Barakac kasta ayaa yareynaya adkeysiga dadka." Ayuu yiri Agaasimaha.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa ah halka keliya ee dadka reer Gaza uu ka soo galo kaalmada bani'aadantinimo ee Gaza la geeyo.

"In dagaalka uu ku fido Rafah waxay halis u tahay in la gooyo jidka nolosha ee gargaarka Gaza." Ayuu yiri Matthew Hollingworth oo ka digay duulaanka halista ku ah gargaarka naf badbaadinta ah.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Israel ugu yeeray inay ilaaliso dadka rayidka ah ee ku sugan dhulka ciriiriga ah ee jiidda koonfureed ee Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa shacabka ugu baaqay in ay isaga baxaan Rafah, halkaas oo sida uu sheegay laga bilaabi doono guluf militari oo xididada loogu siibayo Xoogaga Xamaas.

Raysal Wasaaraha aaya sheegay in cadaadiska militari uu keeni doono in la haysteyaasha Israeliyiinta dib loogu soo celiyo guryahooda, sidaasi daraadeedna ay hawlgalkoodu ballaarin doonaan.

Netanyahu ayaa dhegaha ka fureystay baaqyada caalamiga ah iyo digniinaha ay Hay'adaha Qaramada Midoobey ka soo saarayaan inaanan la weerarin Rafah.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Israel ay duulaankeeda Rafah iclaamisay, xilli dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool ay wajahayaan cunto yari ba’an iyo biyo la’aan, iyadoona Israel ay hortaagan tahay in gargaar mug leh uu gaaro Marinka Gaza.

Inkastoo dunida ay si weyn uga walaacsan tahay duulaanka ku soo fool leh Rafah, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu kala qaybsanaan ka dhex abuuray, waxa ay Tel Aviv ugu yeertay Xubnaha Golaha Wasiirada ee dagaalka. 

Golahan ayaa markii ugu horreysay la aasaasay dhowr cisho ka dib, weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, si ay qayb uga noqdaan doorka hoggaamineed ee dagaalka Israel kula jirto Xamaas.